Prof. Samatar oo laga wareestay doodka ka taagan 18-May iyo 26-ka Juun+VIDEO

1618

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabanaya, waxaana ugu horayn wax laga waydiiyey Kulamadii kala duwanaa ee isaga iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh ay ku Qabteen magaalooyin kala duwan, iyo waxa uga soo baxay.

Samatar ayaa sheegay inay dadku siwayn u Bislaadeen hada, Islamarkaana ay dad badan u Riyaaqeen Doodihii kala duwanaa ee ay soo gudbiyeen, Inkastoo aysan ku qaban Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Wuxuu ka hadlay doodka ka taagan 18-May iyo 26-ka Juun, Wuxuuna sheegay in Labada maalmood oo muhiiim ah deeagaanada Somaliland, Balse Wuxuuna xusay 26-June ay tahay mida dhashay 18-May, oo hadii aysan Jirin 26-June Gobanimo la qaatay aysan Jirteen wax loo ordo maanta oo lala soo noqday.

Waxaa dhinaca kale wax laga Waydiiyey Safar ay dhowaan wada galeen Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo Nairobi ay wada gaadheen , Wuxuuna sheegay inay ka wada hadleen Arimaha doorashooyinka, Xaalada Somaliland, iyo Arimo kale oo muhiim ah, wuxuuna xusya in Gudoomiyaha Xisbiga wadani ay Wakhti badan is yaqaaneen.

Samatar ayaa wax laga waydiiyey siday isku Qabanayaan Dooda ay wadaan isaga iyo Dr. Cali Khaliif iyo Siyaasadda xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay.