PSG Oo Hal Daqiiqo Kaga Yaabsatay Real Madrid , Wacdarihii Los Balancos Ayay Si La Yaab Leh Hawada Ugu Laa-leen Xilli Man City Ay Gashay Bar-bar Dhac

1777

Real Madrid iyo PSG ayaa ciyaarta ku bilaabay qaab foojignaan ah inkastoo PSG ay si weyn u dhaq dhaqaaq wacneyd balse kubadda halis ah ma aysan dhiseyn.

PSG kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen balse waqti badan ma sii jirrin oo Real hanaanka ciyaarta waa y la qabsadeen waliba kubadda waa ay la qeybsadeen PSG.

Ka dib biloowgaas , Real kubad qurux badan ayay soo bandhigtay oo is fahan uu ka muuqday waxaana kubado cajiib ah dhisayay Hazard , Benzema Iyo Marcelo .

Dadaalkii Real waxaa ku yimid gool uu dhaliyay Kareem Banzema ka dib kubad birta kaga dhacday Isco ,waxaana kubadaas soo dhisay oo soo jiiday Hazard illaa Valverde uu soo qajafeeyo , waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 17-aad .

Ka dib goolkaas , PSG waa la go`doomiyay iyagana ayaana halis ugu jiray gool labaad waxa ayna kaliya ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah.

PSG daqiiqaddii 26-aad goolka bar bar dhaca ayay ku sigteen balse goolhayaha Real ayaa si cajiib ah u bad baadiyay kubad lagu laaday , waxaana dhanka PSG isna goolasha u diidanaa goolhayahoodii hore ee Navas .

PSG dhamaadkii qeybtii hore waa ay soo dhaqaaqayeen walibna waa ay halis gilinayeen Real xilli daqiiqaddii 35-aad fursad xaqiiq ahaa waxaa u diiday goolhayaha Real oo Mbappé kubad shabaqa sii galeysay ka bad baadiyay .

Real, qeybtaas hore waxa ay muujiyeen in awoodoodii ay soo laabatay waxa ayna guud ahaan ku guuleysteen dagaalka qadke waxa ayna heerka kubad haysasada qeybtaas hore ku sareysay Real Madrid .

Benzema kulankaan kubad iyo bilaa kubadba si wacan ayuu u dhaqaaqayay , waxa uuna goolhaye Nevas daqiiqaddii 39-aad kubad laad aheyd ka bad baadyay Casamero .

PSG daqiiqaddii 43-aad waxaa loo dhigay rigoore ka dib qalad Icardi lagu galay waxaana kaarka casaanka loo taagay goolhayaha Real waliba rigoore ayaa la dhigay balse VAR ayaa lagu laabtay waxaana cadaatay in qalad horay lagu soo galay Marcelo waana la baajiyay xilli nasiinada lagu aaday halkaas gool .

PSG soo laabashadii waxa ay horay u soo giliyeen Neymar oo loo saaray Idrissa Gan , waxa ayna Rela biloowgii ku sigeen PSG gool waxana laga bad baadiyay Benzema

PSG waxa ay u muuqdeen kuwo door bidaya kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Real soo bandhigeen hanaan ciyaareed wacan xilli Marcelo ay habeebkiisa aheyd .

Ka dib biloowgaas , PSG mararka qaar waa ay cadaadinayeen Real waxa aya ciyaarta u muuqaneysay mid aan ku dhamaan doonin halkaas gool xillin Real baxsad ahaayeen .

Real oo daqiiqaddii 61-aad gool xaqiiq ah iska qasaarisay , waxa ay u nuglaayeen in ay dhaliyaan marka la eego hanaan ciyaarta iyaga ayaana kubadda ku badnaa .

Ma jirrin wax lag qoro ciyaarta waayo Real habeenkeeda ayay aheyd inkastoo aysan shabaqa PSG halis gilin weyn ku sameyn waxa ayan Real daqiiqadii 69-ad badaleen Hazard oo dhaawacmay iyadoo la soo giliyay Gareth Bale , xilli daafaca Zidane u ahaa mid aad u wacan .

Real gool labaad ayay dagaal ugu jireen , ka dib kuabd uu soo jiiday Modric waa uu qajafeeyay waxana madaxeyay Isco ka dib Marcelo ayaa helay kaasi oo dhanka gosha PSG u soo qaaday waxaan madaxa ku dhaliyay Benzema daqiiqadii 79-aad
Balse dabaal degaas ma sii jirrin oo PSG gool ayay heleen waxaanka muqudya qalad daafaca oo waa ay iloobeen in
Kylian Mbappe uu gadaal joogay waxaana qaladkaas sameeyay Varane iyo goolhayaha Real waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 81-aad , waxa ayan Real jka dib soo giliyeen Rodrygo oo loo badalay Isco
Ceeb ayaa dhacday , ka dib kuabd ay soo dhiseen PSG , Real gool kale ayaa loga dhaliyay markaan qald daafac ayaa ka muquday waxaana daqiiqaddii 83-aad laad ku dhaliyay Pablo Sarabia, waxa ayna Real dhamaadkii dagaal ugu jireen goolo sedexaad  xilli daqiiqadii ugu dambeysay ee waqtiga dheeriga kubad Free Kick loo dhigay real ay birta kaga dhacday Gareth Bale  balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay bar bard hacaas min laba gool

Ka dib ciyaar ku adkeyd City waxa ay bar bard hac min hal gool ah la galeen Shakhtar Donetsk waxa ayan ku hishiiyeen  min hal gool xilli goolashaas ay yimaadeen  qeybtii labaad