Puntland, Koonfur Galbeed Iyo Hirshabele oo War-murtiyeed soo saaray(AKHRISO)

1613

War-murtiyeedka dowlad goboleedyada Puntland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle oo caawa Garoowe shir iskaashi ku yeeshay.

1.Saddexda maamul waxay isku afgarteen, xoojinta Soomaaliya oo federaal ah.

2.Dhameystirka ka shaqeynta arrimaha federaaleynta Soomaaliya.

3.Saddexda Maamul waxay yeelanayaan iskaashi balaadhan.

4.Saddexda maamul waxay iskaashi ka yeelanayaan dhanka amniga iyo isweydaarsiga xogaha amniga.

5.Puntland waxay diyaar u tahay taageerada maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

6.Shirka saddexda maamul waxay taageereen war-murtiyeedkii wasiirrada qorsheynta ee dhawaan Garoowe ka dhacay.

7.Shirku wuxuu taageerayaa war-murtiyeedka wasaaradaha maaliyadda ee maamullada ee ku saabsan qaadacadda sharciga cashuuraha.