Puntland oo diiday Guddigii wada hadalada Somaliland

1732

Maamulka Puntland ayaa qaadacay Guddigii Madaxweyne Farmaajo maalin ka hor u magacaabay Wada hadalada Somaliland, iyagoo ku tilmaamay inay hareer marsan tahay dastuurka KMG.

War qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka loo maray magacaabidda ay tahay mid hareer marsan qodobka 53aad ee Dastuurka KMG ah.

Puntland ayaa sheegtay in si gaar ah u taabaneyso qaddiyada wada hadalka Somaliland, waxaana intaa lagu daray si wada hadaladaas u mira dhalaan ay qeyb mug leh ka qaadato dadaalada iyo wada hadalada lagu baadigoobayo helista qadiyasa Puntland iyo Somaliland.