Puntland oo kajawaabaysa hadalkii kasoo yeeray Farmaajo

1474

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudahe ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay jawaab rasmi ah ka bixin doonto qoraal xalay saqdhexe kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay bixin doonto jawaabta ku haboon, waxaana sida wararka ay sheegayaan ay u badan tahay in ay diidi doonto.

Dhanka kale dowlad goboleedka Jubbaland ayaa laga sugaya in ay go’aan kasoo saaraan qoraalka kasoo baxay Villa Soomaliya.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaday ee Farmaajo ayaa shir iskugu yeeray Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DF iyo Gobolka Banaadir, isagoona sheegay in looga goleeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.