Puntland oo ku dhowaaqay in Fiiso lagusoo gali doono+VIDEO

1756

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland oo ka hadlayay taleefishinka Maamulka Puntland ayaa yiri; “Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa”.

Wasiir ku xigeenka Puntland ayaa sheegay cidii lagu qabto iyadoo viiso la’aan ku soo gasho Puntland in maxkamad la horgeyn doono isla markaana xabsi dheer ay mudan doonaan.

Lama oga in hadalka Wasiir ku xigeenku uu saameyn ku yeelanayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed balse ma jiro baasaboor gaar ah iyo meelo uu maamulku ku bixinayo viisaha.