Puntland oo maanta xiriirka u jareysa Dowladda Federaalka

1617

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegeysa in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ku dhawaaqayo go’aano culus oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu ka baaqsanayo ka qeyb galka shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana xiriirka u jari doono dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo maanta lagu wado inuu War-saxaafadeed soo saaro ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqi doono in Puntland ay ka baxday nidaamka doorashada Soomaaliya oo aysan kasii mid ahaaneynin Qaabka ay wax u wadaan Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya, inta dib loogu soo noqonayo Dastuurka iyo Sharciga.

Go’aankan oo noqon doona mid culus ayey Puntland ku dhawaaqeysaa saacadaha soo socda, iyadoo in muddo ahna la waday qorshe ku saabsan sidii ay Puntland Gooni isaga taagi lahayd dowladda Federaalka oo khilaaf xoog leh kala dhaxeeyo.