Puntland oo markale diiday inay xirto qunsiliyadda Itoobiya ee Garoowe

59

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku gacan seertay dalab horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in la xiro qunsiliyadda Itoobiya ay ku leedaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in aysan xiri doonin qunsuliyadda Itoobiya, isaga oo sheegay inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo maamulka Addis Ababa.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in qunsilayadduu ay keli ka shaqeyso danaha labada shacab iyo laba dowlad, sida uu hadalka u dhigay.
Maxamuud Caydiid Dirir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Itoobiya uu kala dhexeeyo iskaashi ganacsiga, isla markaana ay isku furan yihiin xuduudahooda.

“Qunsiliyaduhu waxay qabtaan danaha dadyowga ay metalaan iyo dowladaha ay martida u yihiin danaha ka dhexeeyo ayay horta qabtaan, waad la socotaa Itoobiya xuduud dheer ayaan leenahay keena iyo kooda wuu isku furan yihiin” ayuu yiri Maxamuud Caydiid.

Mar wax laga waydiiyay sababta ay uga dhega adeegayaan dowladda dhexe ayaa waxa uu sheegay in aynan aqoonsaneynba, maadaama ay horay u cadeeyaan mowqifkooda.

 

“Horta maxaa amarkeeda la fuliyaa dowladi maba jirtee waad ogtahay qaraarkii kasoo baxay dowladda Puntland wuxuu ahaa inaanay aqoonsaneyn hay’adihii hore ee federaalka ee lumiyay dastuurkii uu dalku lahaa” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku uu weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay gabeen mas’uuliyaddii saarnayd iyo metaaladdii looga baahnaa.
“Annaga xaqeena ayaa ka hadleynaa xildhibaanada iyaga ayay u taallaa waxa ay ka hadlaayaan iyo meesha ay geynayaan metalaadooda, ma jiro dunida qof xildhibaan ah oo la doortay oo haddana mucaarad ku noqday meeshii laga doortay” ayuu sii raaciyay.

Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka, sababo la xiriirka meel marintii wax ka beddelka dastuurka oo uu si wayn uga carooday madaxweyne Deni.