Puntland oo qaadacday Shirkii Farmaajo ku casuumay

1475

Maamul goboleedka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka Shirka Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oon wali la shaacin xiliga uu dhacayo ayaa looga hadli lahaa Doorashada dalka, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu casuumay maamul goboleedyada in shirkaasi kasoo qeyb galaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa meesha ka saaray casuumada Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna xusay in ay taageersan yihiin baaqii aqalka sare ee ahaa in shir isugu yimaadaan Madaxda dalka iyo kuwa maamulada.

Maamul goboleedka Puntland oon xiriir wanaagsan la laheyn dowlada federaalka Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee qaadaca shirka uu maamulada ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Casuumada Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada ayaa timid xili Aqalka sare ku baaqay in shir deg deg ah isugu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si looga arinsado dooarshada dalka ka dhaceyda.