Ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Puntland, ayaa gacanta ku dhigay markab weyn oo nuuca xamuulka qaad ah, kaa oo la sheegay in uu waday gaadiid nuuca dagaalka oo casri ah oo ay ku jiraan beebayaal iyo hub nuucyo kala duwan leh.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markabka la qabtay ee leedahay dowladda Turkiga, waxaana markabkan lagu qabtay xeebta degmada Bareeda ee katirsan Raascaseyr, ciidamada Puntland ayaana markabka si buuxda ula wareegay gacantana ku haya.
Saraakiil katirsan laamaha amniga Puntland , ayaa laga soo xigtay in markabkan ay qabteen uu waday gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, beebayaal casri ah oon horey Soomaaliya loogu arag,hub iyo saanad kala duwan oo nuuca milatariga ah.
Markabkan ciidamada Puntland gacanta ku hayaan ayaana la sheegay in leedahay dowladad Turkiga uuna kusii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana hubkaasi dowladda Turkiga ku taageereysaa dowladda Soomaaliya oo laga qaaday cunaqabateynta hubka.
Maamulka Puntland, ayaana si rasmi ah uga hadlin markabkan la qabtay ee waday saanada ciidan iyo gaadiidka nuuca dagaalka, dowladda Federaalka iyo Turkiga, ayaana sidoo kale ka hadlin warka ku saabsan marakabkan ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen.
Qabashada markabkan sida gaadiidka dagaalka iyo saanadaha ciidan, ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Puntland meeshii ugu xumeyd marayo, ayna dowladda maalgalineyso qorshe gobolka Sanaag looga jarayo Puntland looguna biirinayo maamulka Khaatumo.