Puntland oo sharuud kuxirtay inay soo magacowdo guddiga doorashada heer dowlad goboleed

1394

Puntland ayaa diiday in ay soo magacowdo guddiga doorashada heer dowlad goboleed, iyadoo ku adkaysanaysa in dowladda federalka iyo dowlad goboleedka iskugu yimaadaan shir wada tashi oo looga arrinsanayo wixii ka fuli waayay heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu galay.

Deni ayaa diiday codsi raysal wasaaruhu usoo jeediyay oo ah in ay Puntland marka hore magacowdo xubnaha guddiga doorashooyinka, kuwaas oo loo xanniban yahay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay magacaabida guddiga doorashada in ay wax badan ka horeeyaan islamarkaana dowladda federalka looga baahan yahay in mar hore ciidamadeeda kasoo saarto Gedo iyo in dib loo fiiriyo magacaabidda guddiyada maamulaya doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

Si kaste ha ahaatee, mausuuliyiinta ayaa mar kale saaka kulan gaar ah ku leh madaxtooyada Garowe, isagoo raysal wasaaruhu isku dayayo in uu xal u helo tabashada Puntland ka hor inta uusan u safrin Gaalkacyo.