Puntland oo sheegtay in ay u dhaqmeyso sida dowlad madaxbannaan

20
Siciid Deci
Siciid Deni

Puntland ayaa sheegtay in ay u dhaqmayso sidii dowlad madax bannaan oo si gaar ah uga shaqaysa arrimaheeda gudaha iyadoo sabab uga dhigtay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor xilli uu ka hadlayey kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland.

Lugatoor ayaa sheegay in Puntland hadda xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha adeegyada bulshada iyo arrimo kale oo muhiim u ah danaha dadka reer Puntland. Waxa uu tilmaamay in maamulka uu doonayo inuu dardar geliyo shaqooyinka gudaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku adkeystay in dastuurka Puntland iyo kan KMG ah ee dalka uu u oggolaanayo inay Puntland sidii dowlad madax banaan u dhaqanto.

Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa soo bilowday intii kadambaysay dowladii cabdulaahi yuusuf taasoo caado u ahayd inay diido dowlad walba oo soomaaliya laga dhiso iyadoo marwalba sheegaysay inay dastuurka lagu xad gudbay marnna dhahaysay loma dhama go aanada dowladu gartay.

Xiriirka xumaaday ayaa horseeday in ay istaagaan mashaariic horumarineed oo horey uga iman jiray dowladda federaalka oo laga fulin jiray Puntland.