Puntland oo sheegtay inay kaqayb galayso shirka Rooble kubaaqay

917

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

War kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS, si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran, ee uu saldhiga u ahaa heshiiskii 17-Sep.

“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.”

“Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadad Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli eedeymo kulul ay baraha bulshada isku dhaafsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo Madaxweynuhu sheegay inuu Ra’iisul Wasaaruhu ku fashilmay qabashada doorashada, la isuguna yimaado shir wadatashi, Waxaana Rooble oo ka jawaabaya uu ku eedeeyay Madaxweynuhu inuu caqabad ku yahay doorashada.