Puntland oo sii deysay 14 maxbuus oo Alshabaabnimo loo haystay

421

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee 5 gobal ee Puntland ayaa maanta sii deysay 14 maxbuus oo ku jiray xabsiyada magaalada Boosaaso, kuwaas oo loo heystay falal argagixiso.

Maxaabiistan ayaa ku eedeysanaa kamid ahaanshaha kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidanka ee goballada Bari, Sanaag, Karkaar, Haylaan iyo Gardafuu ayaa sheegtay in wax cadeyn ah lagu waayay eedeysanayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka 5 gobal, G/dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdulle oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in xoriyadooda ay dib u heleen 14 maxbuus, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday maxkamadeynta xubnaha argagixisada ah iyo kuwa looga shakiyo ee lagu soo qabto howlgallada Ciidanka iyo sirdoonka. Waxaana intii uu joogay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni xukun dil ah lagu fuliyay in ka badan 25 maxbuus oo lagu helay kamid ahaanshaha Al-Shabaab, kuwaas oo 18 kamid lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.