Puntland Oo Taageertay xil kaqaadistii fahad Yasiin

874

Maamul Goboleedka Puntland ayaa war kazoo saaray Xaaladda cakiran ee dalku ku jiro,waxaana sidoo kale ay Puntland ay caddeysay Mowqifkooda ku aaddan tallaabadii uu qaaday RW Rooble.

Qoraal kazoo baxay Madaxtooyada Puntaland aya lagu yiri: “Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka. Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah”.

Sidoo akle Qoraalka kazoo baxay Madaxtooyada Puntaland ayaa lagu taageray go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

“Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka kazoo baxay Puntalnd.

Ugu dambeyntii Puntland waxay ugu baaqday dhammaan inta ay quseyso Xaaladda cakiran ee dalka in ay la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

HALKAN KA AQRI QORAALKA PUNTLAND