Puntland Oo U Jawaabay Wasiiradii Dowladda Somalia+VIDEO

1739

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka Jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga soo horjeesteen qodobo ku jiray Shirkii wadatashiga Puntland ee dhawaan lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in Shirkii wadatashiga Puntland loo qabtay dadka kunool deegaanada Puntland oo kaliya.

Sidoo kale Wasiirada ayaa waxaa ay sheegeen in Shirka Garoowe aysan door laheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana Ujeedkiisa uu ahaa in looga hadlo aayaha Puntland.

Wasiirada Puntland waxaa kaloo ay sheegeen in Safarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Muqdisho uu kaliya yahay gogol xaarka Shirka Puntland ku baaqday ee dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Ugu dambeyntii Wasiirada ayaa shaaciyay in xiligaan uu Madaxweynaha Puntland wada-hadal la yeelan doonin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.