Puntland Oo xirtay Masaajidyada

1744

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ku dhawaaqday Go’aan ah in la xiro dhammaan masaajidda ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal iyo deegaanada kale ee maamulkaas.

Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa soo saaray Amar lagu xiray dhammaan masaajidda ee deegaanda Puntland muddo laba todobaad.

Sababta loo xirayo Masaajidda ayuu Wasiirka ku sheegay in laga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo haantan kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla dunida.

Weli majiro kiis Coronavirus ah laga helay deegaannada dowlad Goboleedka Puntland, marka laga tago halka kiis ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in laga helay Magaalada Muqdisho.