Puntland oo Xukun Dil ah iyo Xabsi dheer oo kuriday xubno katirsan Daacish iyo Shabaab

1364

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku ridday saddex nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan Al-Shabaab & Daacish.

Maxkamadeynta raggan oo ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa Puntland ay ku eedeysay falal isugu jira dilal iyo wax loogu yeero argagaxisinimo oo lagu soo qabtay.

Labo ka mid ah raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay, Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu shaaciyey Ibraahim Bile Maxamed oo ah gududdoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu.

Aadan yo Abshir ayaa si gaar ah loogu deeyey inay geysteen dilal kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Maxamuud Shiniyow Cali lagu riday xukun ah 20 sano oo xabsi ah.

Puntland ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu eedeeyey inay xubno ka yihiin kooxaha Al-Shabaab & Daacish oo ku xoogan buuraleyda maamulkaasi.