Putin Oo Markiisaa Cunaqabateyn Kusoo Rogtay Dalalka Reer-Galbeedka

773

Ruushka ayaa qaaday tallaabo uu uga jawaabayo cunaqabateynta ay waddamada Galbeedka ku soo rogeen kadib markii uu ku duulay dalka Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in 48 waddan oo ay ku tilmaantay “kuwo galay falal saaxiibtinnimada ka baxsan” ay ka mamnuucday qalabka isgaarsiinta, caafimaadka, gaadiidka, beeraha iyo korontada ee uu dalkeeda u dhoofiyo. Xayiraadda ayaa socon doonta tan iyo dhammaadka 2022.

Wasaaradda dhaqaalaha ee Ruushka ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ay kamid tahay inay maraakiibta shisheeye ka mamnuucdo dekadaha dalkaas.

Dowladaha Galbeedka ayaa Ruushka saaray cunaqabateyn xooggeedu yahay joojinta iibsiga shidaalka iyo gaaska dalkaas, iyo xayiraadda hantida maalqabeennada waddankaas ee loo arko inay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxweyne Vladimir Putin.

Ra’iisul wasaaraha Ruushka, Mikhail Mishustin, ayaa sheegay in cunaqabateynta ay saameyn doonto alaabaha ay sameeyaan shirkadaha shisheeye ee fadhigoodu yahay dalkaas, sida gawaarida iyo qalabka tareennada.