Qaar kamid ah Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo goordhaw Muqdisho lakeenay

233

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad la sheegay in ay siday qaar kamid ah ciidamadii tababarka ugu maqnaa dalka Eritra .

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ciidankan laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oon wali tiradooda rasmiga ah la heyn.

Ciidankan ayaa lagu wadaa in la dejiyo xeryo kuyaalla magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidankan muddo sanando ah tababar ugu maqnaayeen dalka Eritrea , ciidankan qaarkood ayaana la sheegay in ay ku dhinteen gudaha Eritrea iyo dagaalka Itoobiya.

Imaanshaha ciidankan ayaa kusoo aadaya xilli shalay magaalada Muqdisho la sheegay in laga qaaday ciidamo badan oo iyana tababar loogu qaadayay dalka dibadiisa, waxaana wararka qara sheegayaan in ciidankan loo qaaday dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo labo mar tagay dalka Eritrea si uu uga shaqeeyo in dalka lagu soo celiyay ciidamo badan oo muddo sannado ah tababar ugu maqnaa dalka Eritrea.