Qaar kamid ah golaha wasiirada KGS oo la Magacaabay

1560

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay qaar kamid ah golahiisa wasiirada.

Wasiiradaan la magacaabay oo ilaa Toban ah ayaa waxaa aanan ku jirin Haween, waxaana wasiiradaan la magacaabay ay u badanyihiin kuwo ku cusub saaxada siyaasada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dhawaanahan la tashiyo kala duwan la lahaa xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi, wax garadka iyo oday dhaqameedyada isaga oo sheegay in uu kala tashanayay soo xulista wasiirada ka mid noqonaya golahiisa wasiirada