Qaar kamid ah ilaalada gaarka ee Deni Oo Shil gaari kudhintay

743

Wararka aan ka heleyno inta u dhexeeysa degmad Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay shil sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar Ciidan.

Shilkaan ayaa waxaa galay kolonyo galbineysay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, xili uu Madaxweynaha kusii jeeday Magaalada Garoowe, kana yimid dhinaca Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo maalmihii dambe ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari ayaa ku dhintay Shilka oo ahaa ilaalada gaarka ee Madaxweyne Saciid Deni, halka todobo kalena ay dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada Askarta durbadii loola cararay isbitaalo ku yaalla Garoowe.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen shilkaan uu si gaar ah uga dhacay dalcadda Karin-dhiig oo u dhexaysa degmad Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal, iyadoo gaadiidka kolonyada Madaxweyaha ay ku socdeen xawaare sare.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada Taraafikada oo ku aadan shilkaas sababay khasaaraha Nafeed, wuxuuna Madaxweyne Deni dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.