Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday

128

Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha baarlamanka Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr, degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Isla shilkaas waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed.

Madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cali Tabliiq oo lagu wado in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KA SOO BAXAY MAFDAXTOOYADA PUNTLAND