Qaramada Midoobey oo si toos ah gacanta ula soo gashay doorashada Somalia

1529
Security Council meeting on the situation in Somalia.
James Swan, Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa uu kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha Doorashooyinka dalka ee uu muranka ka taagan yahay iyo Arrimaha kale, waxaana Amb, James Swan uubilaabay in uu si kala gooni gooni ah ula kulmo saamileyda siyaasadeed ee dalka si uu ugala hadlay arrimaha khilaafka doorashooyinka.

Dhanka kalena, wakiilka xoghayaha guud ee qarada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay gaarey magaalada Muqdisho.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay qaramada Midoobay dadaalka ay ku bixineyso geedi-socodka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhankiisa markale ku celiyay inay muhiim tahay in Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & saamileyda kale inay ka wada hadlaan xalna ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.