Qaranka Argentina Oo Kabaha La Dul Maray Venezuela +VIDEO

1957

Xulka qaranka Argentine ayaa iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka Copa America kadib markii ay guul ka gaadheen xulka qaranka Venezuela Kulan ka dhacay garoonka Estadio do Maracana.

Xulka Argentina ayay ka go,nayd in ay iska xaadiriyaan wareega xiga iyaga oo ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh waliba qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolal.

Saaxiibada Lionel Messi ayayna wakhti dheer ku qaadan iyaga oo daqiiqadii 10-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.

Xulka qaranka Venezuela ayaan ahayn xul aan wacdaro yar dhigay iyaga oo Argentina ku qasbay in ay daafac galaan iyaga oo ku qaadayay weeraro halis ah oo rogaal celis ah.

Dhanka kubad haysashada labad xul ayaan waxba kala badnayn iyaga oo argantina kubada haystay 51% halka xulka Venezuela uu kubada haystay 49%.

Waxa natiijo 1/0 ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Argentina gaadhay muhiimada oo ahayd in ay shabaq soo taabtaan goolna ku hor maraan.

Qaybtii dambe ayay labada xulba soo bandhigeen kubad qurux badan oo ay ku doonayeen goolal ay wax kaga badalaan ciyaarta iyaga oo xul walba u jeedo gaar ah lahaa.

Xulka Argentina ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 75-aad kadib markii uu gool dhaliyay xiddiga Giovani Lo Celso kaas oo daqiiqado yar ka hor badal ku soo galay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhmaatay ciyaarta oo uu xulka Argentina iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka Copa America laakiin la kulmi doonaan xulka ay sida weyn u xafiiltamaan ee Brazil.