Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho+SAWIRRO

1884

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Mubaarak, halkaasoo gaari yaalay uu qarxay, waxaa sidoo kale uu qaraxa saameeyay labo gaari kale.

Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, iyadoo ay gubanayaan labada gaari kale ee qaraxa saameeyay, maadaama saddexda gaari ay isku dhowaayeen.

Ciidamada ammaanka ayaa wadada xiray, waxaana hakada isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaas, lama soo sheegin khasaare oo ka dhashay qaraxaas.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka yar yar ayaa maalinle ka noqday magaalada Muqdisho, waana mid ka mid ah bartilmaameedyada qorsheysan, waxaana qaraxa loo yaqaanaa dhejiska oo ah kuwo gaadiidka qeybta hoose ee kursiga darawalka lagu dhejiyo.