Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

841

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ka dhacay waddada 21-October, gaar ahaan Afisyoone.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa oo uu waday ruux naftiis halige ah

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay saarkiil cadaan ah oo xilligaas mareysay waddada, mana cadda khasaaraha kasoo gaaray weerarkan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeri ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale hatana socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi.