Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho

1412

Jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Taalada Xaawa Taako, halkaas oo ay ku taallo bar Ciidan oo laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada ay socdaan gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.