Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho +SAWIRO

1737

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo ka dhacay Bar-Koontrool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada boondheere.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa ayaa ku qarxay Goob ay istaagaan Gawaarida ku wajahan Madaxtooyada si ay u hubiyaan Ciidamada Koontoroolka ku leh agagaarka Godka Jilacow.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aan weli la shaacin ayaa qaraxaasi ka dhashay,waxaana gurmad sameynaya Gawaarida gurmadka deg dega,iyada oo Ciidamada Dowladda ay xireen wadada soo gasha halka uu qaraxa ka dhacay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo uu ku yaallo Koontorool lagu hubiyo Gawaarida aada dhinac xarunta Madaxtooyada Soomaaliya una dhow Taalada Daljirka ayaa dhawaan waxaa la dhigay dhagxaan waaweyn,iyada oo inta badan Gawaarida dadka Shacabka ah ay wataan aysan mari karin.