Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho iyo cidal lala damacsanaa

708

Waxaa Goordhow qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka, waxaana qaraxaas dhacay jugtiisa inta badan laga malqay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu ku qarxay Isgoyska Ceel-gaabta.

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kooban uga hadlay qarax xoogan oo  soddon daqiiqo kahor ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayuu ku sheegay in qaraxa dhacay uu mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu isku dhex qarxiyey dad shacab ah oo ku sugnaa Ceel-gaabta.

Afhayeenka ayaa sheegay in wixii faah faahin ah ay dib warbaahinta uga soo gudbi doonaan, wuxuuna Qoraalkiisa ku yiri “Abaaro 1026hrs waxaa shaqsi Naftii Halige ah Isku Qarxiyey Isgoyska Ceelgaabta xili ay wada xirneyd, wuxuuna ku dhax qarxay Dad tayid  ah, wixii Qasaara ah dib ayaan ka soo sheegeynaa”….

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa lala eegtay Baabuur siday qaar kamid ah Ergooyinkii maanta ka qeybgalayay doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, taasi oo ka socota Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.