Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

1910

Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey aa ayaa lala beegsaday goob maqaayad ah oo aad ugu dhaw saldhigga booliska degmada Shangaani, halkaasi oo ay ku shaahayeen dad shacab ah, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar.

“Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay dad shacab ah oo ku shaahayay xaafadda Sadaxda Geed dagmada Shangaani, Qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay,

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaas oo beegsaday maqaayad laga cunteynayey.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in 10 qof ay ku waxyeelowday qaraxa, kuwaas oo lix dhimasho tahay, afarna dhaawac.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sadiiq Aadan afhayeenka booliska Soomaaliya.