Faah faahin ayaa kasoo baxeysa qarax xoogan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor ka dhacay Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeeysa Hotel Afrik iyo Bar Koontarool oo Ciidanka amniga dowladda ku leeyihiin wadada aadan Garoonka Aadan Cadde.
Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana isku dhex qarxiyey gaadiid taagnaa Barta Koontarool ee laga ilaaliyo wadada aadan Garoonka, aadna ugu dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo la socday gaadiid wadada marayay iyo dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa, waxaana goobta laga qaaday dad dhaawacyo soo gaareen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana hakad ku jira isku socodka iyo gaadiidka ee wadadaas.
Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa ku soo aaday, iyada oo Maanta ay bilaabaneyso hadal-jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha.