Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb

1473

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa qof is qarxiyay, kaasoo markii hore fadhiyay goob maqaayad ah oo ku dhow Xarunta Inji.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha, iyadoo ay adag tahay in la helo warar rasmi oo ku aadan qaraxa.

Qaraxa ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli magaalada ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii dhamaadkii bishii la soo dhaafay ay gaareen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen qof doonayay inuu isku qarxiyo goob xaflad ka socotay degmada Guricee.