Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

1330

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca xigta Galmudug, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan Magaaladaas.

Qaraxaas oo ahaa miino lagu dhex qariyay fuusto lagu shubo qashinka oo taallay banaanka hore ee Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo, isla markaana qaraxday wax yar kadib markii uu halkaas galay Guddoomiyaha Magaalada C/raxmaan Sheekh Xasan.

Inta la xaqiijiyay 4 qofood oo laba kamid ah yihiin Askar ka tirsan Ilaalada Guddoomiyaha Gaalkacyo ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaasi oo si deg deg ah lagu geeyay Xarun Caafimaad, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in laba qof ay dhimatay.

Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa xiligii uu qaraxu ka dhacayay ka furmi lahaa shir u dhexeeyay Golaha deegaanka Magaalada oo uu shir guddoomin rabay Guddoomiye C/raxmaan Sheekh Xasan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxaas ka dhacay, isla markaana xiray gebi ahaan wadada, waxaana halkaas loo diiday inay ka agdhawaadan dadka, iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin Wariyeyaal dhowr ah.

Xalaad cakiran ayaa ka jirta Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha sare ee Maamulka Galmudug oo ku aadan qaraxaas khasaaraha geystay.