Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Boosaaso

1549

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo jugtiisa laga maqlay magaalada oo dhan uu ka dhacay xaafada Al-Raxma ee magaalada Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray gaari ay leeyihiin ciidamada amaanka oo marayey xaafadaas.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, hase ahaatee ciidamada amaanka ayaa xiray goobta uu ka dhacay, waxaana socday baaritaano.