Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo qofki waday oo laqabtay

1602

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay qof la sheegay inuu waday gaari caawa fiidkii ku qarxay agagaarla Hotel Muna iyo Barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar Wayne.

Taliye kuxigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha ammaanka ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay qabteen dhagar qabihii waday gaariga.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in qaraxa ka dhacay dhabarka dambe ee Barxada Iskaashatooyinka uusan wax khasaare ah sababin.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay goobta wax yar ka hor salaadii maqrib, wadada uu ku hor qarxiyay ayaa ah wado aan sidaa mashquul u aheyn.

Qaraxan caawa ka dhacay Muqdisho ayaa noqonaya kii labaad iyadoo todobaadki hore uu qarax ismiidaamin ah lagu weeraray Xarunta degmada Wardhiigley.

Tan iyo markii la galay bisha Ramadaan ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga, inkastoo howlgalada socdaan, hadana waxaa habeenadii la soo dhaafay magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan.