Qarax xoogan oo Garoowe kadhacay

1702

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goor dhaw isku qarxiyey kolonyo gaadiid ah oo ay wateen guddoomiyaa gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal.

Qofka is qarxiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga ay la socdeen guddomiyaha iyo taliyaha, xilli ay hor marayeen saldhigga booliska ee magaalada Garowe.

Wararka aan ka heleyno qaraxaas ayaa sheegaya in dhaawacyo ay kasoo gaareen guddoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal oo la socday gaariga uu beegsaday ruuxa nafti haligaha ahaa.

Labadaas masuul iyo qaar ka mid ah askartii la socotay oo dhaawac ah ayaa la sheegay in loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Sidoo kale, weli lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxan marka laga soo tago saraakiisha dhaawacmay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili maantay magaalada Boosaaso lagu dilay masuul ka tirsanaa Wasaaradda Maalliyadda Puntland.