Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

1725

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay qaraxa xooggan oo laga maqlay xaafado ka tirsan Magaalada.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodon , wuxuuna haleelay gaari halkaas marayey.

Qaraxaan oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, halka wararka kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax gaariga lagu soo xiray.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo aan weli la xaqiijin inuu isaga saarnaa isla markaasna aan la helin magaciisa.

Sida ay goobjoogayaal sheegeen inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday, waxaana gaariga soo gaaray burbur xooggan, sidoo kalana waxaa jiro dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo jidka marayey.

Ciidamada booliska Soomaalia oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhawaad saacad xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay taasoo saameyn ku yeelatay isku socodka Dadweynaha iyo Gaadiidka.