Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho +Video

1465

Waxaa saakay qarax xoogan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta laanta Canshuuraa ee loo yaqaan Turubataariyada.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo nuuciisa lagu sheegay Surf, gaarigan ayaana ku qarxay darbiga xarunta Laanta canshuuraha Booliiska ee kutaala banaanka dekadda .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay ruuxii waday gaariga waxyaabaha qarxay laga soo buuxiyay, waxaa sidoo kale la sheegay in qaraxa ku dhaawacmeen shan askari oo katirsan booliiska.

Goobjooge ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga qarxay xili uusan gaarin albaabka xarunta Turubataariyada, waxa uuna xusay in qaraxan uusan ka dhalan khasaaro badan.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay aya asheegay in qaraxa la fashiliyay , waxa uuna xusay in ciidamada booliiska kahortgaeen qaraxaasi uuna ku qarxay meel cidlo ah.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in qaraxan uusan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray dad shacab ah, waxa uuna xusay in kaliya uu ku dhintay ninkii qaraxa ka dambeeyay sidoo kale ku dhaawacmeen afar askari.

Qaraxan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili magaalada bilihii ugu dambeeyay ka nasatay qaraxyada ismiidaaminta ah, waxaana qaraxan saakay ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay Muqdisho cabsi badana ku beeray shacabka.