Qarax Xooggan Oo Lala Beegsaday Huteel

251

Ciidamada ammaanka dalka Afghanistan ayaa sheegay in qarax xooggan lala beegsaday huteel ku yaalla bartamaha magaalada Kabul.

Afhayeenka dowladda Afghanistaan wuxuu sheegay huteelka la weeraray inuu yahay mid ay dagaan ajaanibta gaar ahaan dadka ka soo jeeda dalka Shiinaha.

Inta la ogyahay waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof.
Dad goob joog ah waxay sheegeen qaraxa marka uu dhacay kaddib iney maqlayeen rasaas xooggan oo halkaasi ka dhaceysa. Muuqaal laga soo duubay dhismaha la weeraray ayaa muujinaya qaac iyo uuro cirka isku shareertay.

Ururka Taalibaan oo tani iyo marki uu la wareegay talada dalkaasi waxay ku doodayeen iney xaaladda amni ee dalkaasi ay ka soo reyneyso, inkasta oo ay weli dalkaasi ka dhacayaan qaraxyo iyo weerarro badan.

Qaraxyada iyo weerarrada halkaasi ka dhacana waxaa inta badan sheegtay ‘Ururrka isku magacaabo dowladda islaamiga’, ururka ka dagaallama ‘gobolka Khorasan qayba ka mid ah.”