Qatar oo ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha

22

Dowlada Qatar ayaa xalay Person nona grata u qortay diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan dalkeeda iyagoo lagu amray iney dalka 24 saac gudahooda kaga baxaan.

Talabadan ayaa timid ka dib markii Iiraan ay xalay qaaday tallaabo culus oo ay ku beegsatay magaalada warshadaha ee gaaska Qatar ee Ras Laffan, oo ah meesha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalkaasi ku tiirsan yahay.

Saameynta weerarkan si dhaqso ah ayaa looga dareemay gudaha Qatar, iyadoo Doha ay isla markiiba ku jawaabtay go’aan adag oo ay ku cayrisay saraakiisha milatariga iyo amniga ee safaaradda Iiraan. Taasi waxay muujinaysaa in arrintu ay ka gudubtay weerar caadi ah oo militari, oo ay gashay heer siyaasadeed iyo mid istaraatiiji ah.

Ras Laffan muhiimaddeeda lama dhayalsan karo. Halkaas ayaa laga maamulaa inta badan gaaska Qatar, oo ah dal ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee gaaska dabiiciga ah dhoofiya. Gaaskaas wuxuu ka yimaadaa kaydka ugu weyn gaaska adduunka ee North Field, oo Qatar ay la wadaagto Iiraan (South Pars). Sidaas darteed, wax kasta oo Ras Laffan ka dhaca, saameyntu ma joogsanayso gudaha Qatar, waxay si toos ah u gaareysaa suuqyada tamarta ee dunida.

Haddii wax soo saarka halkaas uu hakad galo, qiimaha gaaska si degdeg ah ayuu u kici karaa. Taasi waxay taabanaysaa korontada, warshadaha, iyo guud ahaan nolosha dalal badan. Yurub oo hore uga soo wareegtay gaaska Ruushka ayaa si gaar ah ugu tiirsan Qatar, sidoo kale dalalka Aasiya sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidaas darteed, Ras Laffan waa meel si weyn u saameysa xasilloonida dhaqaale ee caalamka.