Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka la dhammaanaya sannadkan ee ATMIS. Waxa ku cusub howlgalka waa in laga reebay Itoobiya! Howlgalka cusub AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah , waxaa waajibkooda lagu sheegay;xasillinta iyo gargaarka bani’aadannimo.
Wuxuu ahaa fadhi kulul oo ay sidoo kale joogtay Itoobiya oo ay markii u horreysay Soomaaliya caddeysay in laga reebay howlgalka Midowga Afrika ee billaabanaya 2025. Waxaa Qaraarka soo diyaariyay Ingiriiska . Waxaa u codeeyay 14 xubnood (haa), ma jirin wax diidday, waxaa ka aamusay guddoonka shirkan oo ah Mareykanka.
Maxaa ka dhacay kullanka?
Wakiilka u hadlay Itoobiya , ayaa u muujiyay ciidanka Itoobiya inay lama huraan u yihiin xasillinta Soomaaliya , wuxuu tilmaamay in kooxda AS ay isku fidinayso dalka illaa uu gaarsiiyay inay iskudayayaan inay isku ballaariyaan dhulka xeebaha Soomaaliya, natiijadana wuxuu markaa ku sheegay inay ugu dambeyn awood u yeelan karaan AS inay khalkhal galiyaan marinnada biyaha caalamiga ah, wali isagoo sharraxaya khatarta , wuxuu sheegay inuu jiro midow u dhaxeeya AS iyo Daacish. Wuxuu intaa ku daray; “ Waxaa hadda la joogaa marxalad xasaasi ah, beesha caalamka maalgelin badan ayay ku sameysay Soomaaliya, waana inaan maanta la khasaarin mirahaasi. Itoobiya waxay sii wadeysaa naf hurnimada ay ka sameysay Soomaaliya— Itoobiya way sii wadeysaa hawgalkeeda ka dib ATMIS… Itoobiya waxay wada shaqeyn lasii wadeysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya— Hase ahaatee waxaa jira dhinacyo saddexaad oo raba inay qas ka sameeyaan gobolka kuwaas oo aan wax saameyn ku lahayn gobolka, kuwaasi waa in loo sheegaa inay ficiladaas ka joogsadaan…!
Soomaaliya ayaa u muuqatay inay heysay , hadallada ay Itoobiya ka sheegi doonto kullanka, kaddib markii ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu hoos u dhigay khatarta ay soo bandhigtay Itoobiya , isagoo markaa caddeeyay inay Soomaaliya hubisay 11,000 ee askari ee muhiimka u ah howlgalka AUSSOM, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.
Macluumad kale ee kulanka lagu soo bandhigay?
1.In Itoobiya laga saaro howlgalka.
2. In Uganda ay la wareegto dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay howlgalka cusub, iyadoo Uganda ay noqonayso dalka ciidanka ugu badan howlgalkan ku biiranaya oo gaaraya 7,175 oo askari.
3. Jabuuti ayaa ku sii jiraysa Soomaaliya , iyadoo howlgalka cusub ku yeelanaysa 1,800 oo askari oo goobahoodii sii joogaya.
4. Kenya ayaa ah dalka labaad ee xadduudda la leh Soomaaliya ee ku sii jiraya howlgalka , waxay ku lahaanayaan AUSSOM 1,400 oo askari oo sii joogaya aagga loogu yeero qeybta labaad oo ah Jubbaland.
5. Waddanka 4 aad ee qeybta ka ah howlgalka waa Burundi oo hoos loo dhigay , waxaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari, balse si dhaqso leh Burundi ayaa soo bandhigtay inaysan ku faraxsanayn in la soo koobay tirada ciidanka ay ku yeelanayso AUSSOM, waxayna dalbanaysaa in loo oggolaado in la geeyo wax aan ka yarayn 2,000 oo askari. Burundi ayaa sheegtay in tiro kasta oo intaas ka yar ay shaqaalaheeda gelin doonto khatar.
Haddii aad is waydiinayso Masar, lama soo bandhigin doorka Masar , tan oo meesha ka saaraysa walaaca laga qabay sida ay Soomaaliya u wada joogi karaan waddamada waqtiga dheer khilaafku ka dhaxeeyay ee Itoobiya iyo Masar!
Muxuu laakin Mareykanka uga aamusay ansixinta howlgalka AUSSOM?
Ku-xigeenka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay,Dorothy Camille ahna shir-guddoonka kulanka golaha ammaanka ee maanta lagu ansixiyay howlgalka AUSSOM, ayaa sharraxaday sababta uu Mareykanka u noqday dalka kaliya ee ka aamusay ansixinta howlgalkan, waxayna sheegtay ; “ Sababta Mareyanku u taageeri karin qaraarkan waa in markii hore naloo sheegay in 75% kaliya kharashaadka ku baxaya AUSSOM looga baahan yahay deeq bixiyaasha, halka 25% soo hartay ay tahay inay wadajir u bixiyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika… Haddase waxaa muuqata in la gaarsiiyay 90% guud ahaan kharashka ku baxaya AUSSOM inay tahay in deeq bixiyaashu bixiyaan.
Taasi ma aha mid aan aqbali karno.”
Kulanka waxaa laga arkay inay jirto xaalad dhaqaale oo uu la kulmi karo howlgalka cusub AUSSOM, illaa laga sheegay in Midowga Afrika uu dib u eegis ku sameyn doono arrimaha dhaqaalaha si loo dheelitiro, sababtoo ah Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay si cad u sheegeen inaysan heyn dhaqaale badan oo ay ku bixin karaan howlgalkan, tani waxay Soomaaliya uga dhigantahay howlgalkan midkii u dambeeyay ee dhaqaale ay u heli karto , waa wax u dhigma ‘waa inay Soomaaliya muddadaa sannadka ah ku gaartaa inay ku filnaato ammaankeeda , sababtoo ah ma jiro doono howl kale oo si dhaqso ah ay Soomaaliya dhaqaale uga heli karto. Laakin halkan malaga yaabaa inay fursad u qaadato Itoobiya oo ay la timaado ciidan ay iyadu la baxayso kharashka ku baxaya? Dabcan way ku adagtahay waqtigan inay Itoobiya dhaqaale u hesho ciidan joogaya Soomaaliya , haddii aysan helin dhaqaale dibadda uga imaanaya! Mid ka mid ah muhiimada howlgallada Soomaaliya , ee dalalka ay ku qabeen waa dhaqaalaha badan ee ay ka heli jireen ciidanka ay ku biirinayaan, taa oo markii u horreysay la arkayo caqabado ka imaan kara, halka sidoo kale Midowga Afrika uu la kulmayo inay xal u helaan xaaladda dhaqaale ee hortaal howlgalka AUSSOM..!
Xigasho: Imaan Jaamac.