Sheekh jooga Muqdisho oo qarsan waayey taageerada Al-Shabaab +video

110

Wadaad caan ah ayaa farriin yaab leh u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo toos u taageeraya kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab, wadaadkaan ayaa sheegaya in Xasan Sheekh u uku qaldan yahay dagaalka uu kula jiro Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Axmed Rooble ayaa lagu magacaabaa wadaadkaan, Caasimada Online waxay raadisay macluumaadkiisa, waxaan ogaanay inuu maamulo masjid ku yaalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan wuxuu si bareer ah oo aan ganbasho laheyn iyadoo Muuqaal laga duubayo uu u leeyahay “Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa ay ku qaldan yihiin inay Al-Shabaab la dagalamaan oo dhiigooda baneystaan.”

Sidoo kale wadaadkaan ayaa weerar afka ah ku qaaday culimada Soomaaliyeed ee fatwootay in dagaalka Al-Shabaab uu yahay jihaad xaq ah, wuxuuna culimada ku tilmaamay “kuwo gaalada u shaqeynaya.”

Sidoo kale wadaadkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeynaya inuu hub iyo diyaarado dagaal ka soo qaatay dowlado shisheeye oo ‘gaalo ah’ isla markaana uu kula dagaalamay kooxda Al-Shabaab oo “dhiigooda uusan banaaneyn in la daadiyo” sida uu qabo Cabdiraxmaan Axmed Rooble.

Marnaba wadaadkaan sooma hadal qaadin dagaalka iyo qaraxyada ay dadka Soomaaliyeed ee shacabka ah ay Shabaab ku leynayaan, taas bedelkeedana wuxuu dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ku dhaliilayaa beegsiga ay ku hayaan kooxahaan Khawaarijta ah.

Hadaba ninka sidaas u hadlaya wuxuu joogaa Muqdisho, wuxuu sheeganayaa Sheekh weyn oo caalim ah, wuxuuna maamulaa Masjid ay Jameeco badan ku xiran tahay oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada ammaanka weli sooma qaban ninkaas xagjirnimada ku dhex-faafinaya Muqdisho, isagoo ku dhex nool dhul ay maamusho dowladdu, gaar ahaan degmada Heliwaa, hadalka wadaadkaas ayaa si weyn uga yaabiyey dadka, waxaana la is weydiinayaa sababta uu ugu dhiiraday kalmadaha noocaas ah ee Khawaarijta u uku taageerayo.