Iran oo weerar cirka ah ku qaadday Israa’iil

180

Dalka Iran ayaa gantaallo ay xambaarsan yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday Israa’iil, kaasoo ah weerarkeedii ugu horreeyay oo toos ah oo ay ku qaaddo dhulka Israa’iil.

Afhayeenka militariga Israa’iil Rear Admiral Daniel Hagari ayaa sheegay, in Iran ay tobanaan gantaal oo cirka ku garaacday Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay in intooda badan lagu qabtay meel ka baxsan xudduudaha Israa’iil.

Waxaa ku jiray in ka badan 10 gantaal oo nooca loo yaqaano cruisesiles, sida uu sheegay afhayeenka.

Afhayeenka militariga Israaiil ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah gantaalada uu khasaare fudud u geystay mid ka mid ah xarumaha ciidammada Israa’iil.

Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay, in Maraykanku uu ku caawiyay Israa’iil inay soo riddo ku dhawaad dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan degdeg ah isugu yeedhi doono madaxda G7 maantoo Axad ah si jawaab midaysan looga bixiyo weerarka Iran.

Joe Biden waxa uu ugu baaqay Israaiil in aysan wax jawaab ah ka bixinin weerarka Iran, si la isugu dayo in xaaladda la qaboojiyo, balse waxa uu sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyinka laga maarmaanka u ah ilaalinta amniga Israaiil.

Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay khatarta dhabta ah ee ka dhalan karta colaadda Bariga Dhexe.

Waxaa uu ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan si ay uga fogaadaan fal kasta oo horseedi kara iska-hor-imaadyo waaweyn oo ciidan.

An anti-missile system operates after Iran launched drones and missiles towards Israel, as seen from Ashkelon, Israel April 14, 2024. REUTERS/Amir Cohen TPX IMAGES OF THE DAY