Qodobo Xasaasi ahaa oo la isku afgartay Shirka Garowe

1573

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in qodobo horu dhac ah isku afgarteen Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa jiray qodobo xasaasi ah oo labada dhinac isku khilaafsanaayeen iskuna mari waayeen, waxaana hada soo baxaya in qodobada qaar Madaxda shirsan ay isku afgarteen.

Qodobada muranka weyn ka taagnaa ee la isku afgartay shirka Garawe ayaa waxaa kamid ah xeerarka doorashooyinka iyo Petroolka oo ay asixiyeen golaha Wasiirada hadana baarlamanka federaalka horyaala.

Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa dood dheer kadib isku afgartay in dib loogu noqdo labadan xeer ee doorashooyinka iyo Patroolka wadatashina lagala sameeyo Madaxda maamulada iyo xisbiyada siyaasadeed.

Qodobada kale ee dooda ka taagnaa ee hada is afgaradka laga gaaray waxaa kamid ah mudada xil heynta Madaxweynaha Galmudug , waxaana la isku afgartay in Xaaf hal sano loogu daro mudada xil heyntiisa sidoo kale Baarlamaanka Cadaado dib loogu soo celiyo .

Sidoo kale qodobada ay isku afgarteen Madaxda shirka ku leh magaalada Garawe ayaa la sheegay in ay kamid yihiin in wada shaqeynta Wasaaradaha Federaalka iyo maamul goboleedyada lasoo celiyo sidoo kale la bilaabo Wadahadalada Soomaaliland.

Ugu Dambeyn waxaa la filayaa Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada marka heshiis ka gaaraan qodobo kale oo wali xal laga gaarin ay soo saaraan War Murtiyeed ku aadan qodobada lagu heshiiyay.