Qof loo xiray dilka Fannaankii Tupac Shakur

135

Booliska Mareykanka ayaa ku eedeeyay hogaamiyihii hore ee kooxaha burcadda ah dil sanadii 1996-dii loo geystay fannaanka caanka ah ee Tupac Shakur, taasi oo ah guul laga gaaray kiis in muddo ah socday oo weli ay hareeyeen shacabka.

Halyeyga hip-hop-ka ee ku dhashay New York ayaa lagu toogtay afar jeer isagoo 25 jir ah weerar baabuur oo ka dhacay Las Vegas.

Jimcihii, xeerbeegtida weyn ee Nevada ayaa ku soo oogay Duane “Keffe D” Davis, oo 60 jir ah, hal dambi oo dil ah oo loo adeegsaday hubka wax dila.

Booliska ayaa sheegay in uu qorsheeyay dilka kadib markii wiil uu adeer u yahay uu ku lug lahaa dagaal uu la galay Shakuur xilli uu ku sugnaa goob khamaarka lagu ciyaaro.

Davis ayaa laga soo qabtay meel u dhow gurigiisa Las Vegas subaxnimadii hore ee jimcaha, waxaana maxkamad uu kasoo muuqan doonaa maalmo gudahood.