Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay maqaayad kutal Muqdisho

816

Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday maqaahi ku dhow xerada tababarka ciidamada ee ku taalla Warshadii hore ee Nacnaca.

Qof dhexdha ku soo xirtay walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey maqaahidaas xili ay ku sugnaayeen dad badan oo iskugu jiray askar iyo shacab halkaas ku shaahayey.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu geystay qaraxaas, iyadoo isbitaalada qaar la gaarsiiyey dad waxyeelo kala duwan ay soo gaartay..