Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa salaan iyo booqasho ugu tagay hoyga uu Muqdishu ka degen yahay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Saddexda masuul ayaa iska wareystay arimaha Galmudug oo hada marayaa meel wanaagsan iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabada iyo hormarka Galmudug ka jira sida uu sheegay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.
“Waxaan maanta kulan wada tashi iyo isxogwareysi ah wada yeelanay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo igu soo booqday Hoygeyga Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xaaf.
Waxaa uu intaas ku daray “Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay arimaha doorashooyinka dalka anigoo ku amaanaya doorka wanaagsan oo ay Madaxweyne Qoorqoor iyo Ra’iisuwasaare Rooble ka qaateen xal u helida arimaha Doorashooyinka”.