Qoor Qoor iyo Lafta Gareen oo soo gaaray Muqdisho

1007

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka yimid Magaalada Dhuusamareeb & Madxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo isna ka yimid dalka Turkiga.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labads Gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyeen labada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka safarka labada Madaxweyne ee Muqdisho ay tahay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahiil oo ka tirsaneyd Saraakiisha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo kala hadli doona xalka gaarista khilaafka labada mas’uul iyo sidii loo dhameyn lahaa.

Khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo salka ku haaya maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxana khilaafkooda uu saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.