Qoor-qoor oo booqday xeebta Hobyo +Sawirro

1971

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa Wasiiradda ayaa booqday xeebta Magaalada Hobyo.

Qoorqoor ayaa waqti nasiino la qaatay qaar ka mid ah Golaha wasiiradda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa xariga ka jaray dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Ducaale Kaahiye oo laga hirgaliyey magaalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehliyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug gaar ahaanna Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo xubno kale.

Dugsiga cusub ee Ducaale Kaahiye oo ay dhiseen Jaaliyadda reer Galmudug ayaa waxaa ka faa ideysan doona bulshada reer Hobyo.